Senatorada Golaha Aqalka sare ku matala Puntland oo ka hor-yimid ansixinta Sharciga Batroolka Dalka+VIDEO

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala degaanada Puntland ayaa kahor yimid Hindise – sharciyeedka Batroolka Dalka, oo shalay ay ansixiyeen Golaha Aqalka sare.

Senatorada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ay ku jiraan qodobo badan oo dhaawacaya midnimada iyo wada-tashiga Dalka, iyagoona tilmaamay in la doonayo in lagu boobo kheyraadka Dalka.

Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah xubnaha Golaha Aqalka sare ku matala Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kheyraadka Aqalka sare ayaa Sheegay in sharciga ay kusoo sameeyeen wax ka badal balaaran balse Xukuumaddu ay olale u gashay in Goluhu uu meel-marin baalmarsan sharciga ku sameeyo kii uu soo ansixiyay Golaha Shacabka BJFS.

Sidoo kale, Senator Mashruuc ayaa xusay in Hindise sharciyeedkan uu bud-dhig u ahaa shirkii qeybsiga kheyraadka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ku gaareen Magaalada Baydhabo, kaas oo golaha Aqalka sare horyaalla aanan weli la ansixin.

Ugu dambeyntii, Senator Mashruuc ayaa ugu  baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka in uusan meel-marin Hindise sharciyeedkan oo ah mid dhaawacaya midnimada Dalka, sidoo Kalena sahlaya boobka kheyraadka dalka.