Xubno katirsan Al-Shabaab oo laghu dilay duleedka Kismaayo

Ciidanka Daraawiish-a dowlad goboleedka Jbbaland ayaa Howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaano duleedka ka ah Magaalada Kisamayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Howlgalku ayaa ciidanku ka sameeyeen degaanka Yaaq-bishaaro ee duleedka galbeed magaalada Kismaayo, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Hey’adaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Mooge ayaa Warbaahinta xaqiijiayey in howlgalkaas lagu diley afar ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagusoo dhigay afar qori oo ay wateen.

Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shababa looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka ee Mamaulka Jubbaland.