Odayaasha Beelaha Galmudug oo ku qulqulaya Gaalkacyo, kaddib baaqii Madaxweyne Xaaf

Ergooyin ka socda qaar kamid ah beellaha degaanada Galmudug ayaa ayaa ku qulqulaya Magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu kaga dhawaaqay dhismaha Xukuumadda cusub ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degaanada Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Koonfurta Gaalkacyo, kuwaas oo kasoo horjeestay xildhibaanadii shalay looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Shaqooyinka loo igmaday, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Xildhibaanada looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay taallo gogol lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay, islamarkaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer-martay dhismaha Galmudug.

Khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay kaddib markii la badalay qaar ka mid ah Odayaashii Saxiixayeyaasha Galmudug.