Puntland: 4379 oo kiisas ah ayaa degaanadeena ka dhacay sanadkii 2019+VIDEO

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud xasan Aw-cismaan, oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay kiisakii ciqaabta ahaa ee xafiiskiisu uu horgeeyay Maxkamadda Puntland sanadkii tegay ee 2019, isagoona sheegay inay tiradoodu gaarayeen kiisaskii sanadkii tagay dhacay 4379 oo ka dhacay sagaalka Gobol ee Puntland.

Sidoo kale, Xeer ilaaliayaha Guud Ee Dwoladda Puntland ayaa soo gudbiyay kiisaskii ciqaabta ahaa ee Xafiiska Xeerilaaliyaha guud iyo maxkamada ay galeen sanadadii 2011 ilaa 2019kii, kuwaas oo uu sheegay inay dhamaayeen 35, 685 kiis.