DEG-DEG: Puntland oo ku dhawaaqday waqtiga la fulinayo xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa shaaciyay waqtiga la fulinayo xukunka dilka ah ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, sida uu baahiyay TV-ga ku hadla Afka Dowladda ee Puntland TV.