Madaxweyne Deni oo u magacaabay Guddoomiye Degmada Carmo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Guddoomiye KMG ah u magacaabay Degmada Carmo ee Gobalka Bari, isagoona u magacaabay Maxamed Ibraahim Faarax.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in magacaabista Guddoomiyaha KMG ah ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari, kaddib markii uu u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Xafiiska Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

  1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.