Al-Shabaab oo weerartay deegaan ku dhow Gaarisa

Dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka kamuthe ee ismaanulka Gaarissa ee Dalka Kenya, sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha Kenya.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in kooxihii weerarka fuliyay ay beegsadeen saldhig ciidamo ka tirsan Booliska kenya ay ku lee yihiin halkaas, waxaana lagu soo waramayaa in sidoo kale ay bur buriyeen anteeno ay lahayd shirkada safaricom.

Ma jiro, wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya oo ku saabsan dhacdadaan, waxaana uu kusoo aadaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay weeraro qorsheysan ka fulinayo gudaha Dalka Kenya.