Ciidanka DANAB oo la wareegay Degaanka Tooratoorow, qabtayna qaadigii Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DANAB), ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay gacan ku heynta degaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidanka DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Tooratoorow, iyagoona gacanta ku dhigay qaadigii ugu Weynaa ee Maxkamadda Ururka Al-Shabaab uu ku lahaa Degaankaas, sida ay warisay warbaahinta Dowladda oo xiganaysa saraakiisha Ciidanka la wareegay  Tooratoorow.

Ninka ay qabteenka Ciidanku oo aan weli lasoo bandhigin Sawirkiisa iyo magaciisa, ayaa saraakiishu sheegeen inay saacadaha soo socda la wadaagi doonaan Saxaafadda Ninka iyo faah-faahin ku aadan qabsashada Degaanka Tooratoorow.

Sidoo kale, Ciidanka DANAB ee uu tababaro Mareykanka ayaa howlgallo baaritaan ah ka wada Degaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoona sidoo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Shacabka degaankaas.