Goormee Shirkadda Diyaarada Ethiopian Airlines bilaabaysa duulimaadyada Boosaaso ?

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa shaacisay waqtiga uu bilaaban doono duulimaadka ay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ku tegayso Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook,  ayaa sheegay in diyaaradaha Ethiopia Ariline ay bilaabayaan dulimaadyadooda garoonka Magaalada Boosaaso ‘03-02-2020’, ayna 3 jeer ka dagi doonto garoonkaas toddobaadkii.

“Duulimaadka kowaad waxa uu bilaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, hadii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad malinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Puntland

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Mr. Xoosh ayaa sheegay in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airways ee Boosaaso, ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka iyo baahida.

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airways ayaa duulimaad toos ah ku imaanta Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo isku xirta Puntland, Adis-ababa iyo Caalamka, taasi oo u fududaysay dad badan oo qurbo-joog reer Puntland inay yimaadaan dalka.