Maxay tahay Ujeedada socdaalka Axmed Madoobe ee Boosaaso ? (VIDEO+Sawirro )

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, xubno kamid ah labada gole ee Dowladda. Maamulka Gobalka, kan Degmada, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo boqolaal shacab ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne Axmed Madoobe safarkiisa Boosaaso oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado intii uu xilka hayay, waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay garab istaaga Xukuumadda iyo Shacabka Jubbaland, oo ay ka dhexeyso walaalnimo iyo iskaashi buuxa.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarkiisa Boosaaso oo ah, halka saldhiga u aheyd dhismaha Soomaaliya cusub, isagoona u mahad-celiyay Madaxweynaha iyo shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in safarkiisa Boosaaso uu ku qotomo sidii ay wada-tashi ku saabsan xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo Siyaasadda u yeelan lahaayeen Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, gaar ahaan doorashada 2020/2021 iyo dagaalka Madaxda Dowladda Federaalka ay kula jiraan nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay.