Puntland iyo Itoobiya oo ku heshiiyay is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo shirar kula qaatay Madax ka socotay Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shirarka Labada dhinac ayaa looga hadlay iskaashiga Amniga iyo Dhaqaalaha, Adkeynta Nabbada xuduudaha Puntland iyo Itoobiya, iyo sidii gacan la isaga siin lahaa ka hortaga iyo maaraynta Qulqulka Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee u soo tahriibaya gudaha Puntland.

Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray la dagaalanka Argagixisada, furitaanka Kastanka Tuur-dibi iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen nabad-galyada xaduuda oo marar qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyo, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya xuduuda ugu balaaran ee ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay tan Degaanada Puntland, uuna ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, isagoona sheegay inay heshiis ka gaareen dhamaan qodobadii ay ka wada-hadleen Labada dhinac.

Sidoo kale, Ku-xigeenka hoggaanka Nabad-galyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay inay Dowladda Puntland ku heshiiyeen wadaaga xogaha, si loo adkeeyo amniga xuduuda, iyo in shirar noocaan oo kale ah la qabto saddex biloodba mar.