Sh. Maxamed Idiris “Waa la musuq-maasuqaa dhaawacyada qaraxyada” (WAREYSI)

Sheekh Maxamed Idiris, oo kamid ah culimada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona sheegay in la musuq-maasuqo qaabka loo qaado dadka ku dhaawacma qaraxyada, maadama kaliya caafimaad wanaagsan oo dibedda ah uu helo qofkii Wasiir ama Xildhibaan garab ka heysta.