Dhuusa-mareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta dhacaysa

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo jimce ah ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada maanta dhaceysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka socday Kulamo kala duwan oo loogu loolamaya qabashada kursiga, iyada oo Amniga guud ee Magaalada aad loo adkeeyey, isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Doorashada Maamulka Galmudug ee lagu waddo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb dhowaan, ayaa u muuqata mid si adag loogu loolami doono, Xukuumadda Federaalka ayaana lagu dhaliilayaa inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, iyadoo doonaysa inay codka siiyaan musharaxa ay wadato.