Akhriso: Qodobada looga hadlay kulanka Madaxda PL & JL ee Boosaaso

Shirka u dhexeeya Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, ayaa hada ka socda xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, waxaana shirkan looga xaajooniyaa arrimo ay kamid yihiin;

1.Wax wada qabsiga labada maamul.

2.Dowlada Dhexe iyo la shaqaynteeda.

3.Beesha caalamka iyo xiriirkeeda labada maamul.

4.Amaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Shirka Golaha Wasiirada labada dhinac, ayaa gogol xaar u noqonaya kulan gaar ah oo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa marka uu soo gaba-gaboobo la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed lagu cadaynayo mawqifyada labada maamul ee arimaha guud ahaan Soomaaliya iyo kuwa gaarka ahba, kuwaas oo ay kamid yihiin;

B.Dib u eegista Dastuurka Fadaraalka oo ay laali doonaan dibna ugu dhigi doonaan Dowlada xigta mida hada jirta ee 2021.

T.Hanaanka lagu galayo doorashada Madaxweyne oo ay mawif iyo qorshe cad ka yeelan doonaan.

J.Beesha caalamka oo ugu horeeyo Maraykanka oo qorshe ay ku midaysan yihiin hor dhigi doonaan.

X.Xiriirka Jubaland iyo Imaaraadka oo madmadow jiray laga saari doono.

Madaxweynaha Jubaland iyo waftigiisa, ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan maalinimada burrito Magaalada Kismaayo.