Ciidan cusub oo lagu wareejiyay Amniga Caasimadda Puntland.

Guddiga Amniga Gobalka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe loogu wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Ciidamada PSF-ta, PMPF-ta iyo Ciidanka Madaxtooyada.

Guddiga amniga Gobalka Nugaal oo kulan maanta ku yeeshay Garoowe, ayaa sheegay in talaabadan ay timid, kaddib markii la xareeyay Ciidanka Booliska Caasimadda iyo guud ahaan kuwa Gobalka Nugaal,  si loogu sameeyo dib u habeyn iyo diiwaan-gelin.

Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in Baraha koontorool ee laga soo galo Magaalada Garoowe si deg deg ah loo geeyn doono Ciidamo ka socda PSF, PMPF iyo Ciidanka Madaxtooyada, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda.

Ugu dambeyntii, Guddiga amniga  Gobalka Nugaal ayaa shirkooda ku sheegay inay si wadajir ah ula dagaalami doonaan dadka amni-darrada ka wada gudaha Magaalada Garoowe, sida kuwa Magaalada Hubka soo geliya iyo kuwa isticmaala ama ka ganacsada maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka.