Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee shalay lagu dhawaaqay ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay yeelanayaan Kulankoodii ugu horeeyey,kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan jadwalka doorashada Madaxweynaha & kuxigeenkiisa.

Guddigaan oo ka kooban 13 Xubnood ayaa laga soo xuley Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug,waxaana ka hor ku dhawaaqista jadwalka ay dhexdooda iska dooran doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn.

Xubnaha guddiga Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa wada kulamadii ugu dambeeyey oo ay ku dooranayaan doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn si loo shaaciyo jadwalka doorashada.

Inta badan musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo maalin ka hor la kulmay guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen habka ay u socoto doorashada,iyaga oo dalbadey in in waqti la siiyo, si ay u ololeeyaan.