Ahlu-sunna oo qaadacday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug (VIDEO)

Xildhibaanada Ururka Ahlu-sunna ee ku matala Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa si cad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

5 Xildhibaan oo ka tirsan 13 Xubnood ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, kana mid ah kuwa Ahlusunna oo Saxaafadda kula hadley Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga ay fara-gelin ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubin kamid ah Guddiga ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaaf la xiriira doorashada Guddoomiyaha & Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Madaxtooyada, isla markaana doorashadaas la hor istaagey.

Xildhibaanka ayaa sheegay in faragelin toos ah ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku heyso xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena uu wakiil uga yahay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Ugu dambeyntii, 5 Xubnood ee ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaqsiyaad gaar ah la doonayaan inay noqdaan Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Galmudug.