Garoowe: Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maalintii labaad socda

Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), ayaa waxaa Talaadadii furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana Puntland kala qeybgalay Wasiirada Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, xubno sare oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland kala shaqeeya dhanka Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ka hadlayay shalay furitaanka Shirweynahan ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sanadaha soo socda ay Waxbarasho tayo leh gaarsiiyaan guri walba iyo geed walba oo ku yaalla Degaanada Puntland.

Shirweynahan oo lagu waddo in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa laga soo saari doonaa qodobo ku aadan heerka Waxbarashada Puntland, caqabadaha jira iyo Hiigsiga Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee sanadaha soo socda.