Ra’iisul wasaaraha cusub ee Lubnaan oo lagu dhawaaqay

Dalka Lubnaan ayaa yeeshay xukuumad cusub si loo dhameeyo bilooyin ay dalkaasi ka soconayaan dibad baxyo rabshado wato.

Dalka Lubnaan ayaanan lahayn wax Ra’iisul Wasaare tan iyo bishii October markaas uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Sacad al-Xariiri.

Madaxwaynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi uu u magcaabay Hassan Diab oo ah aqoonyahan dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxwaynaha Lubnaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihiisa cusub oo aaminsan yahay in wax weyn uu ka qaban doono dhaqaala xumada liidata ee dalkaasi ka jirta.

In kabadan 460 ruux ayaa ku dhaawacmay rabshadihii ugu danbeeyay ee ka dhaca magaalada caasimada ee Beirut.