Dad hor leh oo u dhintay xanuun ka dilaacay Shiinaha

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa laxaqiijiyay in illaa iyo haatan ay u geeriyooden feeraska cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha, isagoona ku sii fidiya magaalooyin kale ooh or leh.

Masuuliyiinta waaxda caafimaadka ee dowladda Shiinaha ayaa sheegay in kiisaska feeraskan ay gaarayaan 440 kiis.

Sidoo kale feeraskan ayaa lasheegay in gudaha dalka Shiinaha uu ka gudbay isagoona gaaray dalal ay kamid yihiin Thailand, Japan iyo Koonfurta Kuuriya.

Dowladda Shiinaha ayaana wali awood u yeelan in ay cadeeyaan feeraskan iyo waxa uu yahay iyo waliba sida looga hortagi karo.