Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo lasoo gaba-gabeeyay (VIDEO)

Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu soo gaba-gabeeyay maanta Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, kaas oo labo maalin ka socday Garoowe, sidoo kalena ay ka qeyb-galeen Wasiirada Waxbarashada Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Jubbaland, Hay’adaha caalamiga ah ee ka taageerada Waxbarashada Puntland iyo Khuburo ka shaqeysa hormarinta Waxbarashada.