Faallo:Maxaa kasoo baxay kulankii Yamamoto iyo Madaxda Puntland iyo Jubaland?

Guud ahaan kulankii Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka waxuu kusoo idlaaday guul.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxay hor dhigeen mawqifka ay ka qabaan xaalka dalka.

Si gaar ah mawqifkooda hanaanka doorasho ee 2020-21 ayay ugudbiyeen Madaxdu safaarada Maraykanka.

Wada xaajood dheer oo gaar-gaar ahaa kadib waxay isla qaateen labada dhinac dhawr qodob oo kala ah…

B.In uusan jiri karin mudo kororsi loo sameeyo hay’adaha Fadaraaliga ah haba yaraatee.

T.In Maraykanku qaadanayo door dhexdhexaadin dhawaana uu madal iskugu keeni doono Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

J.In lasii xoojiyo iskaashiga lagula dagaalamayo argagixisada.

X.In lasii wado kawada shaqaynta qorshaha dayn cafinta.

KH.In Maraykanku sii laba jibaaro mashaariicda horumarineed ee uu kawado guud ahaan Somaliya.

Jubaland kulankan waxuu ulahaa fursad gaar ah oo ay ku heshay aqoonsi rasmi ah oo ku aadan dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowlada Fadaraalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxuu kulankan u ahaa fariin cad oo loo diray.

Jibril Qoobey.