Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo hakkiyay xil wareejin ka dhici laheyd Xafiiska Hay’adda Socdaalka ee Garoowe

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay, in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan Puntland.

Dikreeto ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland, ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi u qaabilsan Puntland.

Dikreetada ayaa laga tixraacay, qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u qaabilsan degaannada Puntland.