Axmed Karaash “Somaliland waxaan lee yahay iska hadlow ina igare” (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qeybgalay, Xuska Boqol-guurada kasoo wareegatay halgankii Daraawiishta. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka koowaad ee Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Hoggaan dhaqan, Haween, Dhallinyaro iyo kooxaha suugaanta.

Madaxweyne Axmed Karaash oo munaasabadda khudbad ka ka jeediyay ayaa ku dheeraday muhiimada xuska 100 sanno-guuradii  kasoo wareegtay Halgankii Daraawiish-ta, isagoona si kulul u weeraray Maamulka Somaliland oo dhowaan sheegtay inay Daraawiish ay Degaanadeeda kasoo jeeday.