Somaliland: Maxaa ka jira in lacag loo aruuriyo si loo kala diro Guddiga doorashooyinka ?

Abwaan Yuusuf Shaacir oo kamid ah Guddiga loo xil saaray dhex-dhexaadinta Xukuumadda Maamulka Somaliland iyo Xisbiyadda nucaaradka ah, ayaa beeniyay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay oo ku aadan in la arruurinayo lacag la siinayo guddiga Doorashooyinka Somaliland ee doodu ka taagan tahay, si ay isku casilaan.