BREAKING: Doorashada Galmudug ee garabka DFS uu dib loo dhigay (VIDEO)

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee garabka ay taageersan tahay Dowladda Federaalka ayaa ku dhowaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada madaxweynaha.

Doorashada, oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Khamiista, ayaa hadda laga dhigay maalinta Axadda ee labada bisha Febraayo.

Guddiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib codsi ka yimid guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda Maxamed Nuur Gacal, iyo qaar ka mid ah musharaxiinta maanta khudbadaha u jeediyey baarlamanka uu hogaamiyo Gacal.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Jubbaland ay ku timid, cadaadis ka yimid dhanka Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed ay xalay soo saareen walaac uga muujiyay, xaalada cakiran ee Dhuusa-mareeb.