Jadwalka Doorashada dowladaha hoose ee Puntland oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Guddiga doorashada ku-meel gaarka ah ee Puntland (TPEC ), ayaa maanta Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ka bilaabay socdaalkii ugu horreeyay ee ku marayaan gobollada Puntland gaar ahaan degmooyinka, si loo hubiyo aragtid iyo fahamka dadka ee hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland

Sidoo kale, Guddiga ayaa Degmada Burtinle ku soo bandhiggay Jadwalka Doorashada dowladaha hoose ee Puntland, kaas oo u dhignaa sidan;

1. Dib-u-eegista iyo dhameystirka xeerarka February 2020 ilaa May 2020

2. U-qareemista dhismahaMaxkamadda sare June 2020

3. Dhameystirka kala-xadeynta xuduudaha Degmooyinka iyo goobaha cod-bixinta February 2020 ilaaa Dec 2020

4. Dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Dec 2020 ilaa March
2020

5. Qabashada doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland waxay dhacayaan sida uu guddigu sheegay Octoobar 2021.

Dhanka kale, Guled Salah, Gudoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashada Puntland, ayaa ka jawaabayaa su’aalo dhowr ah oo ku wajahan dhinacyada qorshe hawleedka guddiga, dhameystirka sharciyada doorashada, dhismaha maxkamada sare iyo kala-xadeynta xuduudaha degmooyinka iyo goobaha cod-bixinta.