Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka oo la kulmay Dhalinyarada Gaalkacyo (VIDEO)

Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa 01 Feb 2020 Kulaan kula qatey Hoolka Madaxtooyada Magaalada Galkacyo, Dhaliyaarada Jaamacadaha Magalaada, iyadoona ujeedka Kulaanka uu ahaa sidii Guddiga dhaliyaarada ugu soo bandhigi lahaa qorshe Hawleedka geeddi-socodka Dimuqaradiyeenta iyo Jadwalka Doorashada Dowladdaha Hoose ee Puntland oo dhici doonta.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, Xisaabiyaha Gobolka ee Wasaarada Maaliyada Puntland Guddonka Waxbarasahda Gobolka, Iskuduwaha Wasaarada Horumaarinta Haweenka iyo Maamulka Madaxtooyada Galkacyo.

Guleed Salah Barre Guddoomiyaha Guddiga Kumeel-gaarka ah dorashooyinka puntland ee TPEC ayaa soo bandhigey Qorshaha Doraashooyinka iyo Wacyi-gelina ka qeyb qadashada bulshada hanaanka Asxaabta badan ee hal qof iyo hal cod.

Intaas kadib Ardeyda Jamaacada kala duwan ee ka jira Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Su’aalo ka weydiyey Dorashooyinka Dowladdaha hoose ee Dhici doona Cod.