Video:-Dacwadii Trump oo Sanadku laalay

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga ayaa Arbacadii cod u qaaday kaddibna laalay labadii dambi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December wax uu Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana Arbacadi ay cod u qaadeen labada qodob.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.

Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka