Dowlada Puntland oo lagu amaanay shirweynaha Maarso

Dowladu taladii dhulkay dhigtay waxayna ugu yeertay qof walba oo wax ku darsan kara.

Hadaba hadaad isleedahay waxbaad soo kordhin kartaa ama talaad haysaa isu diyaari ka qaybgalka shirka Aayo ka talinta Puntland 22-sano kadib.

Puntland waxay 21-sano ka hor dhisatay maamul samaysatayna Dastuur,isla markaana qaadatay nidaamka Fadaraalisimka.

In dib loo qiimeeyo halka ay wax marayaan caqabadaha yimid iyo hiigsiga mustaqbalka aadbay muhiim u tahay.

Nidaamkii Fadaraalisimka ee lagu heshiiyay 22-sano kadib hadii ay soo wajahday khataro loo wada jeedo in dib layskaga waraysto waa fikrad tixgalin mudan.

Puntland waa dhul kayd bini’aadan oo tayo sare leh hanti uhaysta.

Jibril Qoobey