Gedo:-Jubaland oo Ciidan dheeriya ku daabushay

Jubaland waxay ku daabushay Gedo Ciidamo dheeriya.

Ugu yaraan Ciidamo gaaraya 400-Askari oo ku qalabaysan hub culus,ayaa ku biiray Ciidamadii horay Gobolka usii joogay.

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo hogaaminaya hawlgalka Gedo,ayaa horay usii haystay Ciidan gaaraya 600-askari.

“Jubaland ma eegan doonto xadgudubka Dowlada Fadaraalka,talaabo ayayna qaadaysaa”sidaa waxaa igu yiri sarkaal ka mid Ciidamada Jl ee Gedo.

Todobaadka danbe waxay ubadan tahay in uu bilowdo guluf ay Jubaland uga hor tagayso Maleeshiyada Xamar laga soo daabulay.

Dhanka kale Maleeshiyadii Xamar laga soo daabulay waxaa ku dhacay jah wareer, qaybo ka mid ahna waxay iibsadeen qoryahoodii si ay u baxsadaan.

Jibril Qoobey.