Dowlada Somaliya oo abuurtay kooxo Internet-ka ka dhex dagaalama

Dawladda Soomaaliya waxaa ay abuurtay kooxo internetka ka dhex shaqeeya kuwaasi oo daba-gala Facebookyada wariyeyaasha, iyagoo kooxahaasi shirkadda Facebook ka ashkateeya wariyeyaasha si looga xidho cinwaannadooda – sidaas waxaa sheegtay hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International.

Amnesty waxaa ay sheegtay in hal maalin gudaheed hawada laga saarey 10 cinwaan oo Facebook ah bishii june ee sannadkii hore.

Dawladda Soomaaliya way diiday dhammaan eedahaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.