Somaliland oo si cad udiiday imaanshaha Farmaajo ee Hargaysa

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa shabakadda Idil News u xaqiijiyay in Maamulka Somaliland uu gabi ahaanba laalay qorshe uu waday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas uu ku aadanaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Abiy ay wada tagaan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulkaas.

War qoraal ah oo saacadihii lasoo dhaafay loo diray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, ayaa ay Somaliland ku sheegtay in aysan marnaba macquul aheyn in Madaxweyne Farmaajo uu yimaado Hargeysa, Aysana haatan diyaar u aheyn imaanshaha Madaxweyne Soomaaliyeed.