Maraykanka oo qalabaynaya Ciidamo 6000 gaaraya oo Jubaland ah

Kadib booqashadii Jubaland ee TalyahaTaliska Africom,waxaa Kismaayo ka bilowday qalabaynta iyo diyaarinta Ciidamo gaaraya 6000 oo Jubaland yeelanayso.

Maanta iyo maalmihii lasoo dhaafay,waxaa Kismaayo ka dagayay diyaarado sida Qalab iyo Hub,kuwaasoo kasoo kacay Saldhiga Maraykanka ee Jabuti.

Sidoo kale Maraykanku waxuu Saldhig Ciidan ka dhisanayaa Dhoobley,waxuuna dajin doonaa ku dhawaad 1500 oo Askari.

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa kusii jeeda maalmaha soo socda Dhoobley si uu Saldhigaas udhagax dhigo.

Jubaland hawlo xoog leh oo Mustaqbalkeeda waxtari doona,ayaa ka socda.

Jibril Qoobey.