Ra’isalwasaarihii Maleesiya oo iscasilay

Ra’iisul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamed ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyey boqorka dalka, sida uu xafiiskiisa sheegay Isniin, taasi oo jahwareer gelisay dowladda.

Waxaa jira warar sheegaya in Mahathir uu doonayo inuu isku abaabulo is-baheysi cusub oo soo dhisa dowlad cusub oo wadaag ah.

Xaaladda isbahaysiga xukuma Malaysia ayaa shaki ku jirtay kadib markii dhammadkii toddobaadka ay dhaceen wada-hadallo dhex maray qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga iyo mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa dhismaha dowlad cusub, oo uusan qeyb ka ahayn Anwar Ibrahim oo Mahathir uu horey ugu ballan qaaday inuu beddeli doono.

Mahathir iyo Anwar ayaa ku midoobay doorashadii 2018, si ay xukunka uga tuuraan xisbiga muddada fog talada hayey ee UMNO, ayaga oo isbaheysi ku dhisay ballan-qaad ah in Mahathir uu xukunka ku wareejin doono Anwar.

Loolanka u dhaxeeya Mahathir oo 94 jir ah, islamarkaaa ah ra’iisul wasaaraha ugu da’da weyn dunida, iyo Anwar oo 72 jir ah, ayaa sanado badan qaabeeyey siyaasadda Malaysia, waxaana mar walba jiray xiisad u dhaxeysa.

“Warqadda is-casilaadda waxaa boqorka loo diray 1:00 pm,” waxaa sidaas bayaan ku sheegay xafiiska Mahathir ee Bersatu.

Anwar ayaa la filayaa inuu la kulmo boqorka, mana cadda haddii uu haysto taageero ku filan, si u usoo dhiso dowlad cusub.

Waxaan sidoo kale caddeyn, in Mahathir uu dowlad cusub soo dhisi doono, isaga oo taageero ka helaya xisbiyo kale oo aan ahayn midka Anwar, sida xisbiga UMNO.

Haddii la waayo isbahaysi heli kara 112 xubnood, oo ah tirada aqlabiyadda baarlamanka, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub, sida uu sheegay qof ku dhow xisbiga Mahathir.

Anwar ayaa Axaddii xisbiga Mahathir ee Bersatu ku eedeeyey inay jaajuusiin ku dhex-sameysteen xisbigiisa PKR, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dowlad cusub lasoo dhistaan UMNO.

Xaaska Anwar, Wan Azizah Ismail ayaa ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, waxayna noqon doontaa qofka ugu sarreeya dowladda, haddii la aqbalo is-casilaadda Mahathir.

REUTERS