FAHAD OO DUULAAN KU AH GAALKACYO”

FAHAD OO DUULAAN KU AH GAALKACYO”

Xalay saqdii dhexe shir,ayaa ka dhacay Villa-da ayaanka daran ee Wardhiigley.

Shirkaasi wuxuu u dhexeeyay Fahad Yaasiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug, gaar ahaan xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo.

Shirka waxaa ujeedkiisu ahaa in beesha Sacad u ogolaato Maleeshiyada Fahad Yaasiin ee Qadar taageerto in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo.

Fahad waxuu Beesha Sacad u balanqaaday in uu ku taageeri doono in ay jagooyin ka helaan isku shaandhayn lagu samayn doono mustaqbalka dhaw Wasiirada Villa-da ayaanka daran.

Fahad wuxuu carabaabay in qorshahoodu yahay midaynta Gaalkacyo iyo usamaynta maamul xuduudkiisu noqdo ilaa inta ka sokaysa Degmada Burtinle.

Qorshaha Fahad Yaasiin,ayaa ah marka hore si nabad ah in Maleeshiyadiisu ku tagto Koonfurta Gaalkacyo,dabadeedna weerar gaadmo ah ay ku qabsadaan garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Fahad wuxuu magaalada Gaalkacyo ka waday abaabul qarsoodi ah iyo lacago aad farabadan oo laaluush ah.

Jibril Qoobey.