Maraykanka oo kordhiyay weerarada uu ka fuliyo gudaha Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa saddexdi sano ee lasoo dhaafay kordhisay duqeymaha cirka ah ee ay gudaha Soomaaliya ugu geysaneyso kooxda Al-Shabaab.

Sannadki 2019-ki Mareykanka waxay Soomaaliya ka fuliyeen ilaa iyo 64 duqeyn, halka sannadkaan ay fuliyeen ugu yaraan 25 duqeyn oo dhanka cirka ah.

Dowlada Somaliya ee xiligan talada haysa,ayaa lagu dhaliilaa in aysan siday ahayd uag faa’idaysan taageerada dhanka Milatari ee Maraykanka.