Gudiga shirka Aaya ka talinta oo la dhaliilay

Gudiga qabanqaabada shirka Aayo-ka talinta Puntland waxaa lagu dhaliilay sida ay ubilaabeen bixinta Kaararka ergada.

Gudigu waxay toos ula xiriirayaan xubinta ay ugartaan in ay noqon karto ergay shirka ka qaybgali kara,halka laga doonayay in ay beesha uu xubintaas kasoo jeedo udaayaan ama ay usii maraan Wasiir ama Xildhibaan hadba kii ku matala Dowlada.

Muhiimadu waa in Gudiga Shirku udaayaan soo xulida Xubinta ergayga shirka ku matalaya beesha Wasiirka ama Xildhibaanka ku matala Dowlada.

Taasi waxay maqaam uyeelaysaa Wasiirka ama Xildhibaanka oo loo arkayo masuuliyiin gadiga kara siyaasada Dowlada macnana ku dhex leh,sidoo kalena waxay culayska ka dulqaadaysaa Gudiga Shirka.

Jibril Qoobey.