Maxaa kasoo baxay kulankii Cawad iyo Omamo?

Wasiirka arrimaha dibedda Fadaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo.

Kulankan ayaa yimid ayada toddobaadkan ay dowladaha Soomaliya iyo Kenya wadeen dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisadda labada dal muddada ka dhex oogneyd, dhowaan ka dartay kadib dagaal ka dhacay xuduudda.

Dadaaladaasi waxaa qeyb ka ahaa safar ay dhawaan Muqdisho ku tageen wafti uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, ayada oo sidoo kalena la filayo in madaxweyne Farmaajo uu booqdo Nairobi.

Dowlada Somaliya xiligan hogaamisa,ayaa Kenya ku fogaysay xiriirkeeda Jubaland iyo taageerada xoogan ee ay la garab taagan tahay.waxayna geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay in ay Kenya kala shaqayso burburinta nidaamka Jubaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Xogo aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Uhuru baajiyay safar uqorshaysnaa oo uu kusoo gaari lahaa Muqdisho.

Farmaajo oo kusii jeeda Nayrobi,ayaa isku dayaya in uu Kenya ku qanciyo in meel dhexe ay iskugu yimaadaan,isagoo uu haysto cadaadis xoog badan oo uga yimid beesha caalamka,kaasoo loogu sheegay in uu Ciidamadiisa dib uga saaro Gedo.