Video:-Maraykanka oo xayiraad kusoo rogay duulimaadyadii Yurub

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xanibaado kusoo rogay dadka Mareykanka uga soo safraya Yurub, si wax looga qabto faafitaanka cudurka Coronavirus, taasi oo sii dhaawaceysa xiriirka markii horeba hooseeyey ee kala dhaxeeyey qaaradda.

Tallaabada Trump ayaa ku qasabtay kumanaan qof inay dib uga laabtaan ama bedelaan tikidhadii ay horey u goosteen, waxayna hoos u dhigtay suuqyada saamiyada caalamka

Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyey in dadka ka imanaya Yurub aysan Mareykanka soo geli karin muddo 30 maalmood ah, isaga oo ka jawaabaya walaaca laga qabo cudurka Coronavirus ee kusii faafaya Mareykanka.

“Waxaanu isticmaaleynaa awoodda buuxda ee dowladda federalka Mareykanka iyo tan dadweynaha si loo bad-baadiyo dadka Mareykanka,” ayuu yiri Trump oo xalay khudbad u jeediyey dadweynaha Mareykanka.

“Tani waa dadaalkii ugu dhameystirnaa uguna adkaa taariikhda ee looga hortagayo fayruska ka imanaya dibedda,” ayuu yiri Trump.

Amarkan socdaal oo billaabanaya saq-dhexe habeenka Jimcaha, ma saameynayo dadka Britain iyo kuwa Mareykanka ee kasoo laabanaya Yurub, sida uu sheegay Trump.

Xannibaaddan lama filaanka ah ayaa hoos u dhac xooggan ku hogaamisay suuqyada maaliyadda caalamka ayada oo Suuqa Euro Stoxx 50 uu lumiyey 8.3%, oo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo 2016, halka suuqyada saamiyada Mareykanka ay lumiyeen 4% ka hor inta aan la furin.

Halkan ka daawo muuqaalka

REUTERS