Madaxweyne Deni oo jeediyay Khudbad qiimo leh

“Shirkaan waxaan isugu yeernay inaan ka tashanno Aayeheena, Meeshaan joogno iyo meeshaan ku socono” Madaxweyne Deni,ayaa yiti sidaas.

Khudbada Madaxweynaha oo lawada sugayay,ayaa ahayd mid miisaan culus oo uqalanta Shirkan muhiimka ah.

“Halkan waxaynu isugu nimid in aynu tashano oo aan iswaydiino wadadii aynu ku soconay 20-sanno ee la soo dhaafay waxaa inoo hagaagsan, waxaa innaga qabyada ah iyo jihada aynu ku socono guddo iyo dibadba, annigoo rajaynaya inaad dhammaantiin si mug leh uga qayb qaadan doontaan qiimaynta marxaladihii la soo maray, jihaynta mustaqbalka iyo aayaha Puntland”Madaxweyne Deni,ayaa yiri sidaas.

“Suurtagal ma aha in Dowldda federaalka ka leexato mabaadiidii loo asaasay Dowlada Federaalka,Dastuurka kumeel gaar ah, diidaan wadatashi, burburin iyo faragelin joogta ah ku sameeyaan Dowladihii xubnaha ka ahaa Dowladda Fadaraalka , diidaan qaybsiga deeqaha caalamiga ah, samaystaan shuruuc iyo xeerar,innagu (Puntland) sidaas ku daawano”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Jibril Qoobey.

Jibril Qoobey.

ShirweynahawadatashigaPuntlan