Ciidamada amaanka Puntland oo qabtay xubno argagixiso ah

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa gacanta ku dhigay xubno lagu tuhunsan yahay ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook, ee Ciidanka PSF-ta ayaa lagu sheegay in howlgallo ay Ciidanku ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso lagu qabtay xubnaha, iyo agabyo la doonayay in la doonayay in loo gudbiyo Kooxahan Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaat.

“Ciidamada Amniga Puntland #PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat”

Ciidanka amniga Puntland ee PSF-ta, ayaa ugu baaqay Shacabka inay garab siiyaan Ciiidanka si looga sifeeyo dalka kooxaha argagixisada ah, ayna xogaha cadowga ugu soo gudbiyaan Number-ka gaaban ee (388), oo si lacag la, aan ah loo wici karro.

PSF

Abdirashiid A. Warsame.