W.Caafimaadka Puntland oo ka hadashay Corona Virus

29 March,2020: Ma jiraan illaa hadda wax xaalad la xiriirta COVID-19 oo ay Wasaarada Caafimaadka DPL ay xaqiijisey.

Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono.

Wasaaradu waxay ugu baaqaysaa dadweynaha Puntland inay xogta ku saabsan cudurka COVID-19 ay ka qaataan illaha munaasibka ah sida Wasaarada Caafimaadka.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND