Xog dheeriya oo laga helay Qaraxii Garowe

Madaxweynaha waa la gaarsiiyay si rasmi ah in ay gudaha Puntland ku jiraan sadex Nin oo ismiidaamin diyaar u ah.

Laba ka mid ah Ragaas gacanta waxaa ku dhigay PSF markii danbe waxaana loo xaqiijiyay Madaxweyne Deni.

Hal ismiidaamiye oo lagu magacaabo Cabdifitaax Maxamed Khaliif,ayaa harsan kaasoo bar tilmaameedkiisu yahay caasimada gaar ahaan shirkii Wadatashiga ama Madaxtooyada,ayaa markale lagu wargaliyay Madaxweynaha.

Feejignaan dheeriya iyo hawlgalo la sameeyay waa usuuroobi wayday in uu fuliyo ismiidaamintiisii Cabdifitaax M.Khaliif.

Sidoo kale Ciidanka PSF kuma aysan guulaysan gacan ku dhigida Ninkaas.

Cabdifitaax waxuu sanadihii udanbeeyay la shaqaynayay Booliska waliba Talye Muxyidiin oo uu xataa gacanyare hoose oo u adeega Qoyska unoqday.

Abaabulka ugu danbeeya qorshahan waxuu kasoo fulay Qatar iyo hawl fuliyahooda Fahad Yaasiin.

(Xogtan waxaa laga soo xigtay Ciidanka amaanka)

Jibril Qoobey.