Ra’isalwasaarihii Uk oo isbitaalka la dhigay

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa la dhigay cisbitaaka ka dib muddo toban cisho ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ee Downing Street ayaa sheegay in gelinkii danbe ee Axaddii Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baaritaano caafimaad oo dheeri ah loo marsiiyo.

Saraakiisha ayaa ku waramaya in Ra’iisulwasaare Johnson uu wali si buuxda u hogaaminayo xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka looga hadlo arrimaha coronavirus.

Saacado ka hor intii aan Ra’iisulwasaare Johnson la seexin isbitaalka, boqoradda Britain Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah taasi oo laga daawanayay TV-yada dunida.

Boqoraddu waxa ay khudbaddeeda ku boorisay dhammaan muwaadiniinta in ay ula tacaaleen cudurkan safmareenka ah si midnimada leh.

“Waxaan idinla hadlayaa waqti aan ogahay in uu yahay mid caqabaduhu ay kordhayaan” ayay tiri boqoraddu.

Amiir Charles, oo ah wiilka ugu weyn ee caruurta boqoradda ahna dhaxalsugaha boqortooyada ayaa ka soo kabtay xanuunka coronavirus oo hore looga helay.

Marka laga tago khudbadaha ay shacabka Britain kula hadasho munaasabadda sanadlaha ee ciidda Masxiiga, khudbaddii xalay ay jeedisay Boqorad Elizabeth ayaa ah tii shanaad oo ay jeediso muddo 67 sano ah oo ay tahay boqoradda dalkaasi.

Facebook Forum

  • NAGALA SOCO
  • VOA SOMALI
  • DHAGEYSO IDAACADDAHA
  • VOA AFRICA
  • NAGU SAABSAN

VOA – Xuquuqdu way dhowran tahayXS