Faahfaahin Qaraxa Bosaso

9-qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Amaanka,ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Ciidamada amaanka wa ay ku jireen howlgalka bandowga ee Magaalada kaasoo bilowda salaada maqrib ka dib.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay wadada dheer ee dhex marta bartamaha Magaalada,gaar ahaan agagaarka Ex-Hotel Nakhiil.

Goobaha caafimaadka,ayaa noo xaqiijiyay in dhaawacyada qaar ee la geeyay ay qabaan dhaawacyo sahlan marka laga reebo hal qof oo xaaladiisu culustahay

Laamaha amaanka Puntland weli kama aysan hadlin qaraxa.

Jibril Qoobey.