Golis iyo amaanka Puntland!!

Golis iyo amaanka Puntland!!!

Shirkada isgaarsiinta Golis waa mid ka mid ganacsiyada sida weyn uguulaystay.

Balse guushaas ganacsi iyo samaynta faa’iido xad dhaaf ah,waxaa barbar socda khataro iyo guuldarooyin kale.

Golis waxay khatar aan laga sii aamusi karin ku tahay amaanka Puntland.

Dhamaan kooxaha argagixisada ah waxay kula jiraan heshiis isfahan Shirkada Golis.

Dhanka argagixisada”

1.In aysan Golis la shaqayn karin cid walba oo dabagali karta iyaga.

2.In ay ufududayso adeega kooxahaas.

Dhanka Golis”

1.In Qalabka Shirkada aysan kooxahaasi waxyeelayn.

2.In shaqaalaha iyo masuuliyiinta Shirkada la amaan galiyo.

Heshiiskaas waxuu sababay in Golis ay ka gaabsato ama si cad udiido la shaqaynta hay’adaha amaanka.

Golis waxay leedahay oo gacanta ku haysaa Taleefoonada iyo xogaha ay isticmaalaan kooxahaas…..

B.Taleefoonada laga soo diro fariimaha hanjabaada

T.Taleefoonada laga soo diro fariimaha dilka lagu amrayo

J.Taleefoonada laga soo diro fariimaha balamaha iyo qorshayaasha.

X.Taleefoonada Lacagta Sakawaadka loogu shubo argagixisada ee Sahalka loo yaqaan.

Kh.Taleefoonada qaraxyada lagu fuliyo ama lagu hago.

D.Taleefoonada ay wataan horjoogayaasha argagixisada

R.Magacyada iyo sawirada kooxaha fuliya dilalka iyo qaraxyada.

S.Muuqaalo Kaamirooyinka ah oo horjoogayaasha kooxaha laga arki karo.

Sh.Dadka damiinta kooxahaas Magacyadooda iyo Taleefoonadooda.

Intaa waxaa dheer Golis sanadkii tagay waxay kooxahaas usiisay Sakawaad 160.000 oo dolar.

Golis hal mid bay ka dhigataa dood,taasoo ah in aysan damaanadqaad uhaysan amaanka qalabkooda iyo shaqaalahooda mana ahan wax qiil unoqon kara khatarta amaan ee ay ka indho qarsanayso.

Golis haday si dhab ah ula shaqayso laamaha amaanka,waxaa si buuxda loosoo afjari lahaa kooxaha argagixisada.

Jibril Qoobey.