Gudoomiyaha cusub ee Nugaal oo xilkii la wareegay

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal Cabdiweli,ayaa xilkii la wareegay si rasmi ah.

Xil wareejinta,waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland.

Madaxweyne Deni,ayaa magacaabay Gudoomiyaha cusub kadib dilkii Gudoomiyihii hore Gu’jir oo qarax ismiidaamin ah lagu weeraray xili uu ka yimid shirka amniga Gobolka.

Gudoomiyaha cusub hawsha ugu weyn ee hortaala waxay tahay la shaqaynta Xukuumada saamaynta xooga badan ay ku leeyihiin.