Puntland iyo beesha caalamka oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowladda Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntlabd.

Halkan ka daawo muuqaalla