Kulan heerkiisu sareeyo ee ka dhacay Nayrobi oo looga digay mudo kororsi

Haldoor Somaliyed oo ka kala socda Dowlada Fadaraalka golayaasheeda kala duwan,Dowladaha xubnaha ka ah,siyaasiyiinta saamaynta leh,Xisbiyada iyo beesha caalamka,ayaa bishii lasoo dhaafay 9-10 keedii ku kulmay Nayrobi.

Kulankaas waxaa soo abaabulay beesha caalamka,waxaana looga doodayay doorashada Somaliya ee soo aadsn sida ugu haboon iyo hanaanka ugu fiican ee la qaadan karo.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulmay,waxay dood dheer kaddib garwaaqsadeen qodobadan….

  1. In Doorasho qabsoomta ay tahay xasillooni siyaasadeed oo lama dhaafaan ah.
  2. Waxay garwaaqsadeen DFS ku fashilantay in ay Dalka gaarsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah.
  3. In qabashada Doorashadu ay tahay ilaalinta Amniga iyo Horumarka Dalka.
  4. In nooca Doorasho uu noqdo mid la mid ah kii 2016-ka oo kor loo sii qaaday.
  5. In wakhti kordhin aysan ahayn sharci,balse abuuri karto Kalsooni Darro iyo Qalaalase siyaasadeed.

Kulankaas natiijadii kasoo baxday waxaa la oran karaa waxay ahayd fariin niyad jab ku ah Dowlada Villa Somaliya ee u gaatamaysa mudo kororsiga.

Jibril Qoobey.